Sucuudiga iyo Soomaaliya oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi Milatari
Sucuudiga iyo Soomaaliya oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi Milatari
Dowladaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu kala saxiixday magaalada Riyaad heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding – MoU) oo ku saabsan iskaashiga dhinaca gaashaandhigga iyo milatariga.
Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga amniga, tababarrada ciidanka, iyo wada-shaqeynta difaaca, si loo taageero xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Is-afgaradkan ayaa yimid kaddib wadahadallo is-daba-joog ah oo ay yeesheen madaxda amniga iyo difaaca ee labada dal, wuxuuna qeyb ka yahay istaraatiijiyadda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku dhisto ciidamo qaran oo awood leh, halka Sucuudi Carabiyana uu doonayo inuu kaalin muuqata ka qaato sugidda amniga gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo marin-biyoodka istiraatiijiga ah.
Inkasta oo faahfaahinta rasmiga ah ee heshiiska aan si buuxda loo shaacin intii ay socotay munaasabadda saxiixa, haddana ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in is-afgaradkani yahay hordhac u ah heshiisyo kale oo dhowr ah oo la filayo in mustaqbalka dhow la kala saxiixdo.
Soomaaliya ayaa haatan sugaysa jawaabta codsi rasmi ah oo ay u dirtay Sucuudi Carabiya, kaas oo ku saabsan taakulo ciidan iyo agab milatari, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo qalab kale oo casri ah. Arrintan ayaa la filayaa in si gaar ah looga wadahadlo marka Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la yeesho madaxda Boqortooyada Sucuudiga.
Dhankeeda, Sucuudi Carabiya ayaa muujisay diyaar-garow ay ku taageerayso Soomaaliya dhinacyada qalabaynta iyo tababarka ciidamada, gaar ahaan kor u qaadidda awoodda difaaca. Wafdiyo heer sare ah oo ka socda Soomaaliya, kuwaas oo ay kala hoggaaminayaan Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa haatan ku sugan Sucuudi Carabiya.
Heshiiskan iskaashi milatari ayaa loo arkaa mid istiraatiiji ah oo xoojinaya xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya, isla markaana sare u qaadaya rajada ah in Soomaaliya hesho taageero ciidan oo wax ku ool ah, gaar ahaan dhanka ciidanka cirka iyo la-dagaallanka khataraha amni ee ka jira dalka.